Odowaa oo shaaciye qorshe uu damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, ayaa shaaciyay in bisha dhalan doonta ay DF Somalia qorsheyneyso inay qabato shir-weyne wadatashi ah oo looga hadli doono dhismaha Xisbiyada siyaasada ee dalka.

Odawaa waxa uu sheegay in ujeedka shirka uu yahay in wakiilada xisbiyada loo soo bandhigo shuruuc iyo sharciyayntooda, waxa uuna tilmaamay in shirkaasi uu waxbadan ka bedeli doono hanaanka Siyaasadeed ee Xisbiyada.

Odawaa waxa uu tilmaamay inay socdaan qorshayaal lagu dhisayo xisbiyada siyaasadeed, si loo gaaro halka la hiigsanayo mustaqbalka, kaasoo ah in dalka uu u gudbo nidaamka xisbiyada badan.

Sidoo kale wasiir Odawaa waxa uu tilmaamay in marka ugu dambeysa sharciga axsaabta siyaasada loo gudbin doono BFS, si ay u meel mariyaan.

Haddalka Odawaa ayaa imaanaya xili DF Somalia ay diyaarineyso qabashada doorasho, taasi oo Madaxtooyada Somalia walaac gaar ah galisay bacdamaa Madaxweyne Xassan uu musharax yahay islamarkaana axsaabtaasi ay caqabad ku noqon karaan qorshihiisa doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com