Xog cusub: Jabuutiyaan lagu laayay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeyso dil loo geystay seddex kamid ah ciidamada dowlada Jabuuti ee howlgalka nabad ilaalinta u joogo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dilka ciidamada oo gaarayay seddex askari waxaa ka dambeeyay askari u dhashay dalka Jabuuti oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM, kaasi oo ku sugnaa xerada ciidamada Jabuuti wada joogeen ee Lama Galaay oo ku taala magaalada Beledweyne.

Ku dhawaad labo kale oo kamid ah ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda ayaa ku dhaawacmey weerarka ka dhacay xerada ciidamada deganaayeen ee ku taala magaalada Beledweyne, sida saraakiisha ciidamada dowlada laga soo xigtay.

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in askarigii falka geystay la dilay, halka wararka qaar ay sheegayaan in isaga uu is dilay askariga marka falka uu geystay kadib.

Sidoo kale warar aan wali si dhab ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in dhaqtar Ethiopian ah uu ku dhintay rasaasta askariga uu furay, walow saraakiisha AMISOM ee Beledweyne aysan wali ka hadlin dhacdada.

Dhacdada ka dhacday xerada ku taala magaalada Beledweyne ayaa noqotay mid si aad ah looga hadal hayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com