Jawaari oo ka nixiyey Xasan Sheekh una digay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa maanta ku dhawaaqay in la dhisayo maxkamada Dastuuriga dalka oo kala saarta haddii hayadaha dastuuriga is qabtaan.

Jawaari, ayaa sheegay in inta lagu jiro kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka la dhiso doono hayada dastuuriga ee dalka ayna kamid tahay shaqooyinka badan ee horyaala xubnaha baarlamaanka Soomaaliya sida uu hadalka u sheegay Jawaari.

Hadalka ayuu jawaari jeediyay iyadoo uu kulanka maanta goobjoog uu ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, sidoo kalana ay maqnaayeen xildhibaano badan oo kamid ahaa xildhibaanadii mooshinka horey kaga gudbiyay Xasan Sheikh.

Dhinaca kale gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada baarlamaanka ee caadeystay iney ka maqnaadaan kulamada xildhibaanada ay yeelanayaan.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin xildhibaanada qaar ay caado ka dhigtaan ka maqnaanshaha fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya uu yeelanayo.

Howlo badan oo ay kamid yihiin dhameystirka ansixinta hindiso sharciyeedyo ayuu sheegay iney horyaalaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com