27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Daawo: Sacuudiga oo go’aan cusub ka qaatay dhoofkii xoolaha Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa xayiraadii ka qaaday xoolaha Soomaaliya oo horey looga mamnuucay in halkaas loo dhoofiyo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka dhawaajiyey in xayiraadii xoolaha laga qaaday Somaliland, isla markaasna ay dadka Somaliland u diyaaragoobaan inay xoolo u dhoofiyaan dibadda.

“ Waxaan doonayaa inaan idiin bishaareeyo, xoolihii way iga xirnaayeen sida aad ka war qabteen, sexddexdii cisho ee ugu dambeysay dhaq dhaqaqa saylad sideedii ayuu ahaa, waxaan idinkugu bishaareynayaa in xoolihii naloo furay oo xajkaan dhoofayan” ayuu yiri Cukuse

“ Xoolaha markii naloo furo waan ka nasan doonaa sicir bararka Doolarka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Maadaama xayiraadda ay markii horeba saarneyd Soomaaliya oo idil oo aysan jirin wax Somaliland ku gaar ahaa, ayaa tani macanheedu yahay in Soomaaliya laga qaaday xayiraadda dhoofka xoolaha ee Scauudiga.

Haddaba halkaan hoose ka daawo hadalka wasiir Cukaase

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News