Daawo: Sanbaloolshe oo fasiraad ka bixiyay hadal siyaabo badan loo turjumtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fasiraad ka bixiyay hadal uu dhawaan sheegay, kaasi oo ahaa in reer Hiiraan aysan sii wadi karin dagaalka Al-Shabaab.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in hadalkiisi hore si xun loo fasiray, balse ujeedkiisu ahaa in laga wada qeyb qaato dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo ay tahay in laga wada shaqeeyo si loo ciribtiro argagixiso.

“Hadalkayga ma aheyn in aan anaga (reer Hiiraan) sii wadi karin dagaalka, oo micnaheedu tahay in aan ka daalnay dagaalka ee xuduudo kale ayuu nala galaya marka aan ka baxno Hiiraan, xuduudahaas kale ma gaari karno haddii aan laga wada shaqeyn ama dadka degan uusan nala jaan-qaadin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedkoodu aheyn inay iska difaacan cadowga oo gobolka ka saaran oo kaliya, hase yeeshe ay rabaan in guud ahaan Soomaaliya laga waayo argagixisada Al-Shabaab.

“Cadowga inta uusan idin halaagin waa in aad halaagtan, cadowgu wax uusan maleysaneyn ayaa kula dhaqanteen oo weligiis cabsi kama qabin in qabiil Soomaaliyeed uu ka horyimaado oo iska kor qaado heeryadiisa, waxaa tihiin deegaankii u horeeyay ee Soomaaliyeed oo si muuqata ula dagaalay ee dadka Soomaaliyeed toosh u daaray, waa idinku hambalyeeynaya.”

“Waxaa rabaa in aan idin sheego saaxiib hadduu leeyahay dagaalkan waa dowladda federaalka ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadda, saaxiibka kale waa saaxiibadeena shisheeye ee Mareykanka iyo ciidamada xooga dalka oo iskaashanaya, saaxiibka saddexaadna waa dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo saaxiibka kalena waa dadweynaha.”

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aysan hilmaami doonin cidkasta oo codsi ay u dirsadeen, haddana ku fiirsata culeyska uu cadowga ku hayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Gacmo wada-jir ayaa wax lagu gooya, cadowga maanta wuu nugul yahay ee aan isla wada dilno maanta, si uusan qofba maalin u dilin.”