Daawo: Jeesow oo jawaab kulul ka bixiyey ‘beegsi Jeyte uu ku sameeyay’ beeshiisa

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay beegsi uu sheegay in Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan kula kacay beesha uu kasoo jeedo, kadib qaraxyadii dhawaan gilgilay magaalada Beledweyne.

Jeesow ayaa sheegay in guddoomiye Jeyte uu ciidamo badan dul dhigay Buundada Liiq-liiqata, islamarkaana uu amray in qofka reer Qoraxsin ee gudaha magaalada usoo gudbaya si gaar ah loola dhaqmo, sida uu sheegay.

“Ciddii soo gudubta ee reer Qoraxsin wajiga halaga calaamadiyo ayuu yiri, sida la igu yidhi guddoomiyaha yidhi oo Booliskii meesha joogay ayaa sheegay. Waa masuuliyad xumo oo aan ku habooneyn dadka reer Qoraxsin,” ayuu yiri.

“Reer Hiiraan dhibaatada wey wada saameysay qoys aan laga dhiman malaha, dadka reer Qoraxsin ayaa ugu badna dhimashada marka Ilaahay laga baqayo. Arrintaasi waa kala qeybin umadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in labada gaari ee qaraxa ku rarnaayeen aysan kasoo gudbin dhanka buundada, hase yeeshe baabuurkii saddexaad uu ka gudbay ayada oo la xabadeynayo uu ka gudbay.

“Guddoomiye haddii saaka ciidamada aad soo daadisay ay aheyd ciidamo aad ku xumeyneysid dadka reer Qoraxsin waa qalad iyo masuuliyad xumo. Waxaa ka rabna haddii ay jirto in aad raali-gelin shacabka ka siiso, labada dhinacba dadka adiga guddoomiye u ah.”

Xildhibaan Jeesow ayaa ku eedeyay guddoomiye Jeyte in uu eekaday guddoomiye degmo, isaga oo ah heer gobol, taasi oo uu ku tilmaamay arrin aad looga xumaado maadama guddoomiyihii degmada uu joogo.

“Hal dhinac ha ku eedeyn wixii dhacay, idinka waa qaxdeen aniga gurigeyga daganahay waxaa diyaar u ahay in aan is-difaaco. Magaalada kusoo noqda oo dadka deganaansho ku beera, amaankaaga haddii aad sugan weyday cid kale amaankeeda ma sugi kartid.”

Waxa uu intaas kusii daray “Adiga (Jeyte) ka daa dadka kala qeybinta, adiga guddoomiye u wada ah ee maxaa kaligood uga hadleysa oo buundada ha la xiro u leedahay. Umad isla dagaal galeysa ha ahaato, oo ha u eekaan nin dadka qeybinaya.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dadka reer Hiiraan inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyaga oo isku duuban, islamarkaana iska kiciyaan cadowga si ay ugu noolaadaan xornimo gobanimo leh.