NISA iyo Haramcad oo fuliyey howl-gal culus iyo xubno Al-Shabaab ah oo lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal qorsheysan oo shalay ay ciidamada NISA iyo kuwa Haramacad ka sameeyeen tuulooyin u dhow deegaanka Basra ee wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxa halkaasi ku dhexmaray dagaal kooban, kadib markii ay ciidamadu weerar ku qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Haramcad oo ka hadlay howl-galkaan ayaa sheegay in lagu dilay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo sida ay sheegen ahaa ujeedka howl-galka.

Jimcihii ayey aheyd markii ciidamada dowladda oo taageero ka helaya dadka deegaanka ay howl-galo ballaaran kula wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin hoostaga.

Ujeedka howl-galka ay ciidamadu ku qabsadeen Basra iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo dhaqaajin lahaa mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, taasi oo u istaagtay sababao amni kadib markii cabsi laga muujiyay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan dadka dhismaha wada oo isugu jira Soomaalida iyo Turkish-ka, wuxuuna hadda dhismaha wadada ayaa jooga degmada Balcad.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in howl-galada ay sii socon doonaan, inta laga xoreynayo Al-Shabaab dalka, ayada oo dhallinyarada ku jira markale dowladdu ugu baaqday inay isku soo dhibaan ciidanka xooga dalka.

Si kastaba, Waxaa muddooyinkii dambe dalka ka socday kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ka gaareen guulo waaweyn, islamarkaana kooxda looga qabsaday deegaano dhowr ah oo markii hore ay gacanta ku haystay.