Ciidamada DF oo fashilayay shirqool ay Al-Shabaab ku layn laheyd shacab badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada deegaanka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku guuleystay inay soo saaraan miino ay Al-Shabaab ku aaseen inta u dhaxeysa Muuri iyo Lambr 50, halkaasi oo ay safar dhulka ah ku maraan ciidamada dowladda.

Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda oo kaashanaya maamulka gobolka ayaa maalmihii la soo dhaafay sameeynayay howl-galo kala duwan, kadib markii qaraxyada miino ay kusoo bateen inta u dhaxeeysa deegaanada Lambar 50 iyo Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Shacabka gobolka waa uga mahadcelinayna digtoonida dheeraadka ah ee markasta muujiyaan iyo weliba wada-shaqeynta dhow ee la leeyihiin saraakiisha amaanka si looga hortago dhagaraha Al-Shabaab,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraal kooban oo laga soo saaray howl-galadaan.

Sidoo kale ciidamada ayaa sii wadi doona howl-galada, si looga hortago shirqoolka ay argagixisada u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada kula jira dagaalka.

Dhowr jeer ayaa qaraxyo miino ah waxay ka dhaceen deegaano u Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo inta badan uu dhaawac iyo dhimasho ka soo gaartay ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu ku bilowday dagaalka tooska ah ee ka dhanka ah ayaa waxay sare u qaadeen qaraxyada iyo inay miinooyin ku aasaan waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah.