Maxkamadda ciidamada oo toogasho ku fulisay askari horey u dilay taliyihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheikh Hassan oo 29 kii September ee sanadkan 2022 si bareer ah u dilay taliye ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye.

Cabdinasir oo dhowaan kasoo muuqday maxkamadda ciidamada ayaa qirtay inuu si bareer ah ah u dilay marxuumka, ayada oo maalmo kahor lagu xukumay dil toogasho ah oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyey.

Sidoo kale wuxuu sababta uu ku dilay taliyihiisii ku tilmaamay inuu waayey xuquuq ka maqneyd in muddo ah, islamarkaana uu muran soo kala dhex-galay isaga taliyihiisa kadibna uu rasaas ku furay, taas oo uu ku dhintay marxuumka, ayada oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen illaa 2 qof oo kale.

Fagaaraha Iskuul Buluusiya oo lagu toogtay Cabdinaasir ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo saraakiil ka mid ah ciidanka Xoogga.

Kadib qisaasta ayaa waxaa la’isku dhinac aasay askariga maanta la toogtay iyo sidoo lale taliyihii uu ka dambeeyay dilkiisa.

Sidoo kale xukunka dilka ah ee lagu fuliyey askarigan ayaa waxaa soo dhoweeyey ehellada taliyihii uu dilay Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye.

Horay maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa digniin culus ugu dirtay dhammaan askarta dowladda, gaar ahaan kuwa dilalka sida bareerka ah uga geysta meelaha ay ka howgalayaan ee guud ahaan dalka.

Si kastaba, ma’aha askarigii ugu horeeyey ee toogasho lagu fuliyo Muqdisho dhexdeeda, ayada muddooyinkii u dambeeyey ay kordheen dilalka toogashada ah ee ay fuliso maxkamadda ciidamada ee dowladda Soomaaliya.