Daawo Sawirada Ciidamadii laga saaray Cadaado iyo qaabka uu u dhacay kulankii xasaasiga ahaa

Cadaado (Caasimadda Online)  –Wararka hadda naga soo gaarayo magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa xaqiijinayo in dhammaan Magaalada Cadaado laga saaray ciidamadoo hab beeleedka ahaa ee ku sugnaa halkaas.

Ciidamadaan oo isugu jiray kuwa uu lahaa Axmed Shariif oo Cadaado ku sugnaa, kuwa kale oo isaga usoo socday ee shalay laga celiyey inay soo galaan magaalada, iyo kuwa taageersanaa Madaxweyne Xaaf.

Xidlhibaanadii tagay Cadaado ee dowladda Soomaaliya ka socday ayaa ku guuleystay inay dhammaan ciidamadaas xalay la isugu geeyey Magaalada Gelinsoor lagu celiyeohalkii ay markii hore ka imaadeen.

Dhammaan Xildhibaanadii xalka u raadinayey Galmudug ayaa xalay ku hoyday Magaalada Gelinsoor, waxayna halkaas kula kulmeyn odayaal dhaqamyeed iyo hoggaamiyaasha ciidamadaas watay, waxaana wadahadal dheer kadib lagu heshiiyey in wax kasta xal lagu dhameeyo isla markaasna ay dib ugu laabtaan meelihii ay ka imaadeen si arrinta loogu raadiyo xal aan aheyn dagaal.

Xildhibaanadii howshaas kusoo guulestay ayaa Magaalada Cadaado dib ugu soo laabtay Maanta, waxaana hadda la xaqiijiyey inay magaalada Cadaado ku sugan yihiin Ciidamada Galmudug ee ka amar qaato Madaxweyne Xaaf.

Magaalada Cadaado ayaa hadda ku jirto xasilooni amni balse waxaa weli taagan xiisadii siyaasadeed, waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socdo saxaafad la hadlo Madaxweyne Xaaf oo la sheegay inuu waxyaabo badan daaha ka qaadi doono.

Halkaan hoose ka dawwo sawirada kulankaas”: