Dhageyso: Diyaarad soo gashay qadka Cabudwaaq oo lidka diyaaradaha lagu riday iyo afhayeenka ciidamada Galmudugo oo..

Caabudwaaq (Caasimadda Online) – Waxaa jiro warar la isla dhexmaryo oo ku aadan in diyaarad soo gashay qadka magaalada Cabudwaaq lagu riday lidka Diyaaradha kadib markii la sheegay inay Diyaaradaas saarnaayeen Xildhibaano.

Cabdiraxmaan oo sheegtay in uu yahay Afhayeenka Ciidamada Maamulka Galmudug ee degmada Cabudwaaq ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guulesteen celinta Diyaradaas.

Waxa uu sheegay Afhayeenku in Ciidamada Galmudug ee ku sugan Cabdudwaaq ay Cirka u rideen Hubka lidka Diyaaradaha kadib markii lagu soo wargeliyay in ay ku soo wajahan tahay diyaarad sida Siyaasiyiin  ka yimid dhanka Muqdisho.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Diyaaradii ay dib uga laabatay Cabudwaaq balse aysan ilaa iyo hadda garaneyn halka ay aaday.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli laba maalin ka hor la filayey inay Xildhibaano ka tirsan dowladda oo kasoo horjeedo jiritaanka Galmudug ay u duuli doonaan halkaas kadib markii loo diiday Garoonka Cadaado.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo yeeray Afhayeenka Ciidamada Galmudug ee Cabudwaaq.