Daawo Sawirada: Qaabka uu usoo xirmay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socday

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu soo gabagabeeyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee maalmahaani ka socday Madaxtooyada Somalia.

Shirkaani ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban waxaana lasoo sheegayaa in xal laga gaaray qodobadii uu khilaafka ka taagnaa.

Sidoo kale waxaa jira Guddi Amni oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Guddoomiye ka yahay oo ay sameeyeen Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran.

Shirkaani ayaa waxaa soo xiray Madaxweynaha Somalia, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa dhammaan Madxaweynayaasha Gobolada ee uu shirka Khuseeyo.

Waa shirkii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan hogaamiyeyaasha Madasha wadatashiga Qaran.
shir-1

shir-2

shir-3

shir-4

shir-5

shir-6