Uganda oo ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya Kadib Khilaaf soo if baxay

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Uganda ayaa ku dhawaaqday iney ciidamadeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya, kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay Uganda iyo Qaramada Midoobay.

Taliyaha ciidamada difaaca ee dalka Uganda ayaa u sheegay baarlamaanka dalka Kenya in ciidamadooda ay kala baxayaan dalal Soomaaliya ay kamid tahay, kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay dowlada Uganda iyo Qm.

Wuxuu sheegay in askar u dhalatay dalka Uganda ay ku dhinteen burbur diyaaradeed oo soo wajahay.

Katumba Wamala taliyaha ciidamada difaaca Uganda ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamada Uganda aysan helin xaqooda maadaama ay ku dhinteen iyaga oo howlgal ku jira.

“Waxaan rabaa maanta in aan idin siiyo warbixin,sababtoo ah waxaan heynaa sabab muhiim ah,waxaana ay tahay  Diyaaradaheenna waxa ay u shaqeynayeen Qaramada Midoobay,waxaa ay ku bur bureen agagaarka halkii uu ku wajahnaa howlgalka,uma socon meel kale oo halkaas ayey ku bur bureen,haddii aanay xaqooda helin dadkeennii naftooda ku waayay halkaas,ehelkoodii iyo Dadka Uganda ,haddii Dadkii aan intaas u qabannay aysan na dhiirro gelin sideen ugu dhiirraneynaa Waddan kale,sidan oo kalena ay Uganda kaligeed ku noqoneyso.”

Uganda ayaa ciidamo badan ka joogaan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com