Xildhibaanada baarlamanka oo la qeybiyay iyo qeylo dhaan durba soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib shirar kala duwan oo ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa odayaasha dhaqanka ee labada gobol loo qeybiyay xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaasi.

Wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa waddo qorshe si dhaqso ah loogu dhisayo waxgaradka labada gobolka maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo muddo soo jiitamaya khilaafka dhismahiisa.

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa shegaya in shirka maanta ka dhacay magaalada loogu gudbiyay waxgarad matalayay labada gobol in baarlamaanka maamulkaasi uu ka koobnaan doono 71 xubnood.

Arintaasi ayaa waxaa durbo qeylo dhaan ka muujiyay odayaasha dhaqanka, waxayna dalbadeen in xildhibaanada tiradooda laga dhigaa 88 mudane.

Waxaa dhawaan la doonayaa sida qorsha uu yahay in la xareeyo ergada xildhibaanadaasi soo xuleyso, waxaana wasaarada qorshaheeda yahay in maamulkaasi dhaqso lagu dhisaa.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com