Sawirro: Jaadka Muqdisho la keenay maanta iyo badnaanshahiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarado wadda jaad badan oo laga keenay dalka kenya ayaa maanta soo caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradahaan oo wadday qaad badan ayaa kasoo dagay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay dowlada Soomaaliya ay fasaxday in jaadka Muqdisho la keeno.

Sawiro laga soo qaaday Aadan Cadde International ayaa muujinayay jawaano badan oo qaad wadda, kuwaasi oo garoonka laga soo bixinayay.

Dowlada Kenya ayaa in jaadka la keenaa magaalada Muqdisho ku badalatay in Soomaalida aadeysa Kenya aysan marin magaalada Wajeer ee dalka kenya.

1 2 3