Keating oo ka hadlay qodobo xasaasi ah oo khuseeya doorashada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa si adag uga hadlay arrimaha la xiriira doorashada Somalia ee wakhti gaaban uu ka dhiman yahay.

Danjire Michael Keating, oo u waramaayay Idaacada VOA-da laanteeda Afka Somalia, ayaa sheegay in QM ay ka go’an tahay ka qeybqaadashada xaqiijinta amniga doorashooyinka Somalia.

Michael Keating, waxa uu sheegay inay waajib ku tahay inay garab istaagan dowlada Somalia mudada kooban oo ay ku howlan tahay arrimaha doorashooyinka waxa uuna ballanqaaday inay qaadayaan tallaabo muuqan doonta.

Wareysiga uu siinaayay Idaacada VOA-da ayaa waxa uu Michael Keating kusoo hadalqaaday khilaafaadka hareeyay dhismaha aqalka sare, Arrimaha Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo sidoo kale waxa hortaagan in Somalia ay yeelato ciidan qaran oo leh awood ay dalka Somalia ku difaacaan.

Khilaafyada ayuu sheegay inay ka taagan yihii Aqalka Sare iyo Arrimaha maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna tilmaamay inay fursad siinayaan Hogaamiyayaasha si ay xal uga gaaran wixii dhexdooda ah.

Waxa uu sheegay in QM ay xooga saareyso sida ay Somalia ku gaari laheyd helida ciidamo quwad leh oo hanankara qaranimada Somalia, waxa uuna carab dhabay inay Somalia ku garabsiin doonaan wixii la xiriira dhismaha ciidamada.

Dhibaatooyin badan ayuu sheegay inay hortaagan yihiin horumarka Somalia sida dhismada maamulada harsan iyo ciidamo quwad leh, balse waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in QM ay buuxin doonto boosaska firaaqada ah ee aan wali u buuxsamin dowlada Somalia.

Dhinaca kale, Mr Michael Keating waxa uu ballanqaaday inay kaalin miisaan leh ka qaadan doonaan sida Somalia ay uga dhici laheyd doorasho xalaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com