Daawo sawirada sida Xasan Sh. loogu soo dhoweeyey JIG-JIGA.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta uu Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud booqasho degdeg ah ugu ambabaxay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ethiopia, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Booqashada Xassan ayaa waxaa ka qeybqaatay mas’uuliyiin xilal ka haya maamulka oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin kale oo ka soctay dowlada ethiopia.

Booqashada Xassan ee magaalada Jigjiga ku tagay ayaa noqoneysaa tii ugu horeysay oo uu abid halkaasi ku tago waxaana la filayaa in halkaasi wadahadal uu kula yeeshaan doono madaxda dowlad deegaankaasi iyo kuwa ethiopia.

Booqashada Xassan ayaa kusoo aadeysa iyadoo Siyaasada Somalia ay hantisay dowlada ethioipia, waxa ayna tani noqoneysaa mid kusoo beegmeysa xili uu Xassan Sheekh shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka Qaran.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
xasan 1
xasan 2
xasan 3
xasan 4

xasan 5