C/Kariin Guuleed oo ka horyimid xubnaha C/W Gaas loogu daray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta ka dagay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay arimaha siyaasada iyo hishiiskii madaxda madasha wadatashiga ee Muqdisho kusoo dhamaaday.

Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaaka sheegay magaalada Gaalkacyo in haddii ay yihiin Galmudug aysan taageersaneyn hubnaha dheeriga ah ee loogu kordhiyay maamulka Puntland Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mr Guuleed wuxuu sheegay in maamulkooda uu kaalin wanaagsan ku leeyahay madasha wadatashiga qaran, balse go’aanadii ugu dambeeyay ay yihiin kuwo aan u cuntamin maamulka uu madaxweynaha ka yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne C/kariin Guuleed wuxuu sheegay in arimo caafimaad Awgeed uusan ka qeyb galin shirkii shalay Muqdisho lagu soo idleeyay, balse wakiilo Galmudug matalaya ay ku sugnaayeen gabo gabada Shirka madasha wadatashiga.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay ciidamada DANAB ee dhawaan tagay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay iney soo dhawaynayaan ciidamo kasta oo ka qeyb qaadanaya xaqiijinta amaanka deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com