XASAN SH. oo war kasoo saaray xil u magacaabidii MUUNGAAB

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Magacaabida Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay inuu aqbalay soo jeedinta magacaabista Wasiiru Dowlaha cusub, waxa uuna tilmaamay in magacaabida Muungaab ay wakhti munaasib ah timid.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid uu ka helay soo jeedinta xil u magacaabida Muungaab, sidaana uu ku aqbalay, balse waxa uu carab dhabay in ujeedka uu yahay in si hufan uu u guto waajibaadka saaran.

Madaxweynaha waxa uu intaa ku daray in Ra’isul wasaaraha dalka uu xaq u leeyahay inuu la imaado soo jeedinta balse isaguna uu yahay cida ay ka go’do ogolaanshiyaha.

Madaxweyne Xassan ayaa qalinka ku duugay warqada uu Ra’isul wasaaraha dalka kusoo jeediyay magacaabida Wasaaradda Cadaaladda, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) maalinimadii shalay oo ku beegneyd 09, August, 2016.

Geesta kale, Muungaab ayaa horay ugu fashilmay xilka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in Xassan Sheekh uu xilka uga qaaday Musuq-maasuq iyo cabasho ku aadan in Muungaab uu boobay guryo ay lahaayen dad shacab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com