Ban Ki Moon oo war kasoo saaray Dib u dhaca doorashada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya ee la filayay in bishaan ay ka dhacdo dalka Soomaaliya, laakiin labo bilood dib loo dhigay.

Ban Ki Moon, ayaa ugu horey soo dhaweeyay jadwalka geedi socodka Doorashooyinka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in qaramada midoobay ay la dhacsan tahay hanaanka loo diyaariyay doorashooyinka qaranka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayuu ku tilmaamay wadan galaya safar dhanka Dimuqraadiyada ah, waxaana uu amaanay madaxda Soomaalida ee soo saaray jadwalka Doorashada Soomaaliya ee sanadkaan.

 

Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya marba marka ka dambeysa uu ku sii talaabsanayo hormar dhinac kasta ah, waxaana uu intaa ku daray in ay soo dhaweynayaan Madaxweynaha cusub ee ay Soomaaliya yeelaneyso 30-ka Bisha October.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki-moon ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku sheegay in ay yihiin kuwo mar walba u taagan in ay kor u qaadaan aayaha Soomaaliya, sidoo kalena Qaramada Midoobey ay arintaasi garab ku siineyso.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in la soo gaba gabeeyay shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo mudo Todobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi laga soo saaray War-murtoyeed ay isku raaceen Madashii shirkaasi ka qeyb gashay.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com