Turkiga oo go’aan cad ka qaatay Fathulleh & dowlada Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka caddaaladda dowlada Turkiga Bekir Bozdag oo u waramaayay warbaahinta ayaa ku goodiyay in dowladiisu ay jawaabo culus ka bixin doonto haddii dowlada Mareykanka ay kusii adkeysato diidmada musaafurinta Fathulleh Gulen.

Bekir Bozdag, waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay dhowr jeer ku celcelisay dalabka ah in loo soo gacan galsho wadaadka Fathulleh Gulen, waxa uuna cod dheer ku sheegay in wixii intaa ka danbeeya aysan dalban doonin Fathulleh Gulen.

Wasiir Bekir Bozdag waxa uu cadeeyay in Fathulleh Gulen uu sabab u noqon doono inuu go’o xiriirka dowlada Turkiga kala dhexeeya dowlada Mareykanka.

Dowladu waxa ay sheegtay in ad adeega dowlada Mareykanka ay dhaawac muuqan doona gaarsiin doonto xiriirka labada dal, waa haddii aan laga fiirsan wadaadka la diidaayo in lasoo safriyo.

Nuqul kamid ah haddalka Bekir Bozdag ayaa ahaa ”Haddii Mareykanka uusan soo gacan gelin Gulen, waxay taas macnaheedu tahay in xiriirka labada dal ay ka doorteen argagixiso”.

Garyaqaano matalaya eedeysanaha lagu magacaabo Gulen ayaa sheegay in dowladda Turkiga aysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Gulen uu ku lug lahaa afgambiga, sidaa darteedna ay tahay inaan la masaafurin.

Xiriirka labada dal ayaa qarka u saaran inuu xumaado sababo la xiriira diidmada ay dowlada Mareykanka diideyso Fathulleh Gulen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada Mareykanka kaasi oo ku aadan kala gurashada xiriirka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com