Xog: Somaliland oo laaluush ku bixisay heshiiskii dekada Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada maamulka Somaliland  ayaa ka hadlay ansixinta wakiilada Somaliland  ay shalay ansixiyeen hishiiskii murunka dhaliyay ee ku saabsanaa dekada magaalada Berbera.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo kamid ahaa xildhibaanadii diidanaa hishiiska dekada Berbera ayaa sheegay in xukuumada Somalilan ay dhaqaalo ku ansixisay hishiiskii dekada Berbera maadaama xildhibaano badan ay ka noqdeen fikradii ay qabeen markii hore.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xubno badan oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland  ay laaluush badan ku qaateen ansixinta hishiiskii murunka dhaliyay, isagoo sheegay  in wax laga xumaado ay tahay in dhaqaalo lagu badayo dhibaato Somaliland wajihi karto.

“aniga iyo xildhibaanno kale waxaanu diidanahay sharci duminta lagu wado dalka iyo in la qaato hantidii umadda, xukuumaddu lacag ayey bixisay badan waliba waxa qaatay xildhibanno danahooda un eegta oo aan dalka waxba ugu fadhiyin , aniga iyo xildhibaanno kaleba dacwad ayaanu furan, waxaanu dunida u sheegaynaa in cadaaladii la iibsaday”.ayuu yiri xildhibaanka.

Somaliland ayaa shirkada DP World la gashay hishiis lagu maalgelinayo dekada magaalada Berbera ee deegaanada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com