Gaas oo qaaday tallaabo ka dhan ah Khaatumo iyo xildhibaano…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa diiday jiritaanka maamulka Khaatumo ee ka dhisan deegaanada Sool, Sanaag iyo ceyn kaasi oo uu madaxweyne ka yahay Prof Cali Khaliif Galeyr.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in wax aqoonsi ah uusan u heynin maamulka Khaatumo, islamarkaana deegaanada Puntland uusan ka jirin maamul kale oo Puntland aanan aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkaan wuxuu sheegay kadib wareysi uu siiyay TV Somali Cable, wuxuuna sheegay in maamulka Puntland uu ka taliyo deegaanada lagu sheego maamulka Khaatumo sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada beelaha daga Sool, Sanaag iyo Ceyn oo beel ahaan kasoo jeeda Warsangeli iyo Dhulbahante ay hoos tagayaan maamulka Garowe halkaasina laga soo xuli doono, sida uu sheegay Mr Gaas.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com