Inta aysan dhammaan ka gaarsii: Qorshaha Boorsaani iyo Gaafow

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo magaalada Muqdishpo ay ku qabteen taliyaha ciidamada NISA iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu amray shacabka magaalada Muqdisho iney si deg deg ah u sameynstaan kaarka aqoonsiga muwaadinimo.

Kaararkaan aqoonsiga ayaa waxaa la doonayaa in ruux walba oo Muqdisho ku nool uu ku sameysto ku dhawaad 20 dollar, waxaana la shaaciyay in maanta waxii ka dambeeya qofkii aan heysan la xiri doono, sida go’aanka lagu shaaciyay.

Waxaa is-weydiin mudan, maxaa go’aanka Boorsaani iyo Jeneral Gaafow kusoo beegay xilli waqtigii dowladda federaalka gabaabsi yahay, ayna xilka weyn doonaan marka dowlad cusub ay kusoo dhismato laba bil kadib?

Waa ay caddahay in qorshaha yahay in saddexda milyan ee ku nool Muqdisho laga boobo wixii lacag ah ee laga heli karo inta waqtiga ka harsan.

Imisa qof oo Muqdisho degan ayaan bishii helin 20 dollar, iska dhaafee inay mar qura bixiyaan labaatan dollar. Maxay tahay sababta 20 dollar loogu qaadayo kaar aysan xitaa sameyntiisa ku bixin 3 dollar.

Dalka Mareykanka oo dadka ku nool ay bishii sameeyaan in ka badan laba kun oo dollar kuwa ugu saboolsan qofkii, ayaa waxaa kaararka loogu sameeyaa 13 dollar ama ka yar, sidee qof aan bishiiba helin 20 dollar looga doonayaa 20 dollar mar qura.

Boorsaani iyo Gaafow waxay qeyb ka yihiin dowladda dhiig miiratada ah ee shacabka Muqdisho un inay boobto u jirto, haddana aan wax xuquuq ah u ogoleyn, waana in shacabku iska diidaan boobkan cusub, kana kacaan.

Hadday daacad ka tahay in shacabka ay u sameeyaan kaarar, ha ugu sameeyaan bilaash.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com