Xog: Boob si cajiib ah loo hindisay oo ka socda dekedda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsho lixaad leh ayaa waxa ay kasoo yeereysaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo degta Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa sheegay in hakat uu ku jiro Ganacsigii ay ka wateen Dekadda kadib markii lagu xoojiyay Canshuurtii looga qaadi jiray Dekadda iyadoo aan jirin sharci rasmi ah oo kasoo baxay dowlada Somalia, markii laga reebo sharciga macmalka ah oo ay wado Hay’adda maamusha Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Ganacsade Xaaji Cismaan oo ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in howshooda ay u lug xiran tahay Hay’adda gacanta ku heysa Dekadda oo soo rogtay qaadista Canshuuro xad dhaaf ah.

Ganacsade Xaaji Cismaan, ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay uu hakat ku jiro ganacsigooda ku xiran Dekadda waxa uuna cadeeyay inay ku jahwareersan yihiin sharciga macmalka ah ee iminka ka jira Dekadda.

Waxa uu sheegay inay jiraan Hay’addo kale oo si sharci darro ah uga qaata Canshuur kuwaasi oo haddii loo diido xaniba Canshuurta soo dajinta iyo dhoofinta.

Waxa uu tilmaamay inaanu jirin sharci rasmi ah oo ka jira Dekadda waxa uuna tibaaxay in Hay’ado aan iska warqabin ay siyaabo kala duwan ku qaatan lacago Canshuur ah oo aan amar looga heysan dowlada, balse u muuqaal ek mid hoose oo lagu baalmaraayo sharciga.

Ganacsade Xaaji Cismaan, waxa uu cadeeyay inay jiraan awoodo aan loo meel dayin oo loo adeegsado, taasi oo uu sheegay inay tahay mid ka madaxbanaan sharciga lagula dhaqmi jiray Ganacsatada Dekadda wax kala soo degta ama ka dhoofisa.

Waxa uu tibaaxay in Dekadda ay ka socto Ganacsi qarsoon oo Hay’adaha qaar ay ku raadinayaan Hunguri sharci daro ah waxa uuna cod dheer ku sheegay in dowlada looga baahan yahay inay cadeyso mowqifkeeda ku aadan sharciga aan u degsaneyn ee looga dhaqmaayo Dekadda.

Waxa uu intaa ku daray in sharcida ay wadato shirkadda PGM oo ah in container kasta oo kasoo dagayo kana baxayo Dakadda muqdisho laga qaado lacag dhan $70.00.

Geesta kale, Ganacsade Xaaji Cismaan waxa uu ka digay in Hay’adaha sida qarsoodiga ah u qaadanaaya dhaqaalaha farahabadan ee aan ku dhicin qasnada dowlada ay sabab u noqdaan in dadka shacabka ah ay sicir barar dartii uga hayaamaan dalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com