Xog: Al-Othman oo Xasan Sheikh runta indhaha ka saaray markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa kulan aan caadi aheyn kula qaatay danjiraha dowlada Imaaraadka u fadhiya Somalia Mohammed Ahmed Al Othman.

Kulanka labada mas’uul oo qaatay inkabadan saacad ayaa waxaa lagu lafa-guray Xiriirka labada dal, Doorashada Somalia, Amniga, Xal u helida dhaliilaha ay Hogaamiyayaasha Gobolada u jeedinayaan Madaxweynaha iyo Qodobadii kasoo baxay shirka.

Madaxweyne Xassan ayaa Mohammed Ahmed Al Othman uga xog waramay qorshaha dowlada ee ku aadan Doorashada iyo Amniga, waxa uuna u sheegay in dowladiisu ay ka go’an tahay inaanu waxba ku darsan wakhtiga hadda u harsan.

Mohammed Ahmed Al Othman, ayaa Xassan Sheekh si ganbasho la’aan ah ugu sheegay inuu helay dhaliilo farabadan mar uu xog wareysanaayay qaar kamid ah Hogaamiyayaasha Madasha Qaran oo iyagu ka cabanaaya axdi xumo ka heysata dhanka dowlada.

Mohammed Ahmed Al Othman waxa uu sidoo kale Xassan Sheekh u sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad uga xun yahay in wakhtiga lagu jiro ay dowlada Somalia ku dhiirato khilaaf iyo in laga dib dhaco Heshiisyada lawada gaaro.

Waxa uu Al Othman Xassan u sheegay in dowlada Imaaaraadka ay walaac ka qabto in dowlada Somalia ee hadda jirta ay sabab u noqoto burbur ku yimaada rajadii laga lahaa hanaqaadka Somalia, sababo la xiriira in dowlada Somalia aysan laheyn Hay’ado diiwaan galiya Heshiisyada.

Al Othman waxa uu Xassan Sheekh kaga digay inuu burburiyo qodobadii shalay kasoo baxay shirka Madasha waxa uuna cadeeyay in dowlada Imaaraadka uusan ka heli doonin wax garab ah waa haddii uu ku dhiirado inuu ka weecdo wixii sharciga ah ee lagu heshiiyay.

Al Othman waxa uu si ganbasho la’aan ah u sheegay in shaqsi ahaantiisa uu dhaliil kala kulmo wakiilada kale ee Beesha Caalamka ka jooga Somalia, kuwaasi oo uu sheegay inay ku eedeeyaan in Safaarada Imaaraadka ee Somalia ay dowlada Somalia ku dhiiragaliso baalmarka sharciga.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ka sheegay inuu ku dadaali doono dhaqan galinta Heshiiska waxa uuna cadeeyay in cilada aysan dhankiisa aheyn balse ay tahay jadwal xumida heysata dowlada.

Xassan Sheekh waxa uu Mr Al Othman u ballanqaaday in bilaha ka dhiman doorashada dalka si rasmi ah uu u hirgalin doono xiligeeda, waxa uuna amaanay garabka uu ka heysto dowlada Imaaraadka carabta.

Dowlada Imaaraadka ayaa kaalin muuqata ku dhex leh horusocodka iyo Siyaasada Somalia, waxaana xusid mudan in dhaqaale farabadan ay ku bixiso Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com