Daawo Sawirada Sida ay u dhacday dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeele

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dhaariyay Xildhibaanada maamulka Cusub ee HirShabeelle.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa tirro ahaan gaaraya 73 Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka Hirshabelle, oo tiradoodu guud ay dhan tahay 89 xubnood.

Munaasabada lagu dhaariyay Xildhibaanadaani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada kuwaasi oo la soconaayay sida ay dhaarinta u dhaceysay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa dhismihiisa in la soo gaba gabeeyo Bishan October dhexdeeda, maadaama Howlihii ugu badnaa ee dhismaha Maamulkan laga soo gudbay.

dhaarin-1

dhaarin-2

dhaarin-3

dhaarin-4

dhaarin-5

dhaarin-6

dhaarin-7

dhaarin-8

dhaarin-9

dhaarin-10

dhaarin-11