Sawirro: RW Ethiopia oo sabab u yeelay ku dhawaaqista Xaalad degdeg ah

Addis Ababa (Caasimada Online)-Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada xukumada Ethiopia ayaa lagu go’aamiyay in gabi ahaan dalka lagu soo rogo xaalad deg deg ah muda 6 bilood.

Goluhu waxa ay sheegen in Ethiopia ay ku jirto xaalad ka duwan tii hore, waxa ayna sheegen in lama huraan ay tahay in dalka laga dhaqan galiyo xaalada degdega ah.

Goluhu waxa ay sheegen in dalka ay qalqal galinayaan qolyaha nabad diidka iyo quwada shisheeye taas oo khatar ku ah amniga, xasiloonida iyo nabadgeliyada shacabka Ethiopia.

Hailemariam Desalegn oo ah Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay in dalka Ethiopia lagu soo rogay Xukun Degdeg ah (A state of emergency), kadib, markii ay labadii bilood ee la soo dhaafay dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo Dowladda.

Ra’isul wasaaraha oo ka hadlay Telefishinka Dowladda Ethiopia ayaa sheegay in Xukunka Degdegga loo soo rogay si looga hortago xaalladda cabsida ee ka dhanka ah Dadka iyo Dalka Ethiopia.

Hailemariam waxa uu sheegay in xaalada degdega ah dhaqan galinteeda ay tahay mid laga rabo Hay’adaha amaanka, hayeeshee loo baahan yahay in la dhaqan galiyo Xaalada degdega ah.
ethiopia-1

ethiopia-2

ethiopia-3

ethiopia-4