Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay ee Weerarka Westgate + Video Cusub

Nairobi (Caasimada Online) Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay Magaalada Nairobi Gaar ahaan  xarunta Suuqa Westgate ee Magaaladaas oo ilaa hada ay ku sugan yihiin kooxihii weerarka geystay.

Kenya Joseph ole Lenku , Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya wuxuu sheegay in howlgal si taxadar leh loo fulinayo, walina uu socdo ujeedkuna uu yahay in lasoo bad baadiyo dadka lagu haysto xarunta ganacsiga Westgate .

Dhaawacyada ayaa lasoo warinayaa inay iminka gaarayaan ilaa 200 sida uu xaqiijiyay Cabbaas Guuleed. ,xog-hayaha guud ee ururka laanqeyrta cas ee Kenya,

Dadka dhintay waxaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa inta la xaqiijiyay 59-ruux waxaana sidaas warbaahinta u sheegay saraakiisha caaafimaadka ee dalkaasi Kenya oo tirakoob arintan ku sameeyay.

Dableyda ayaa lagu hareereeyay qeybaha hoose ee dhismaha, waxaala la tilmaamayaa in in ciidanka ay la wareegeen dabakha afaraad ee dhismaha,sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas.

Raga la wareegay dhismaha Westgate ayaa ilaa hada ku jira qeybaha sare ee dhismaha, iyadoo Booliiska iyo ciidanka Milateriga ay isku dayayaan in si xasilooni leh ay dadka uga soo bad-baadiyaan burcadana ay gacanta ku dhigaan.

Daawo video cusub

Wixii warar kusoo kordha ka daalaco www.caasimada.net

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com