Sawirro: Jawaari oo la kulmay Beelaha Digil & Milifle, (Maxaa kasoo baxay?)

Beydhabo (Caasimada online) Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya ahna Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan wada tashi ah wuxuu maanta la qaatay beelah Digil iyo Milifle.

Beelahan oo mudooyinka ku kacsanaa dowlada Soomaaliya dhawaana shaaciyay inay kasoonidii kala laabteen dowlada Soomalaiya ayuu Proff: Jawaari wuxuu kala hadlay qaabka ugu macquulsan oo gobolada Koonfureed ee Soomaaliya maamul loogu sameyn karo .

Kulanka maanta oo ahaa mid wada tashi ah isla-markaana ay fikrado is ku dhaafsanayeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyo Odayaasha beelaha Digil iyo Milifle ayaa waxa diirada ku saareen sida ugu macquulsan ay maamul dowladu ay aqoonsan tahay ay u samneysan lahaayeen.

Kulanka markuu soo idlaaday kadib waxaa warbaahinta la haday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana uu sheegay in kulanka maanta uu Odayaasha Dhaqanka ee Digil iyo Milif uu la qaatay inuu ahaa mid wada tashi ah .

Jawaari, wuxuu meesha kasaaray inuu jiro khilaaf u dhxeeya dowlada Soomaaliya waxgaradka gobolkaasi kasoo jeeda iyo waliba dowlada Soomalaiya waxaaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin qancinta iyo sida ugu macquulsan ee maamul loo wada dhan yahay deegaanada ay degaan beelahaas maamul loogu sameyn lahaa .

Gudoomiye Jawaari, wuxuu sheegay in Odayaasha, waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Milifle marnaba aysan kalsoonida kala noqon Karin dowlada Soomaaliya balse dowlada ay kalsoonida kala laaban karaan oo qura Xildhibaanada iyo Wasiirada dowlada .

Ugu dambeyn wuxuu rajo ka muujiyay wada hadalka uga soconya magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay isaga iyo xildhibaana Baarlamaanka ka tirsan ee socdaalkaas ku wehliya iyo wlaiba waxgaradka iyo odayaasha beelaha digil iyo milifle.

Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda beelaha Digil iyo Milifle ayaa wada qorshe ah in hal maamul loo smaeeyo Lix gobol oo ay ku jiraan gobolada maamulka Axmed Madoobe ee Jubba uu ka arimiyo kaas oo ay dhawaan dowlada Soomaaliya aqoonsi buuxda siisay.

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

Caasimada@live.com