Yemen iyo Somalia oo heshiis gaaray

Sana’a (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee dalka Yemen, waxaa maanta magaalada Sana’a xarunta dalka Yemen ka dhacay kulamo kala gooni-gooni ah, kuwaasoo yeeshay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo madaxda dalka Yemen.

Kulanka hore, madaxweynaha dalka Yemen Cabdirabuu Mansuur Haadi, ayaa aqalka madaxtooyada Yemen ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maalmahan ku sugan dalka Yemen.

Labada dhinac ayaa si weyn uga hadlay xiriirka labada waddan iyo Yemen in ay diyaar la tahay siddii u garab istaagi lahayd Soomaaliya oo 22-sanno dagaalo sokeeye ka socday.

Madaxweynaha Yemen, ayaa ballan qaaday in dalkiisa uu is barbar istaagi doono gacan siinta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Yemen ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan khibradaha ay u lee yihiin la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda.

Intaa kaddib wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale booqday xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka Yemen, Maxamed Salaami Basanduwa.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amnig, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ra’iisal wasaaraha uga mahadceliyay martigalinta dad lagu qiyasaasay hal milyan oo Soomaali ah kuwaasoo gaaray dalka Yemen.

Ra’iisal wasaaraha Yemen ayaa isna sheegay in ay sii wadi doonaan soo dhaweenta qoxootiga Soomaalida ee ku soo jabay dalkooda ilaa inta dalkooda uu xasilayo.

Ugu dambeen, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya ayaa booqday xarunta dhexe ee ciidanka qaranka dalka Yemen, wuxuuna isaga iyo wafdigiisa ay soo arkeen 1,000 askari oo ah kuwa loogu talagalay xaaladaha degdega ah.

Wasiirka ayaa ugu dambeen heshiis dhinaca ammaanka la saxiixday dhiggiisa dalka Yemen, Gen Maxamed Cabduqaadir Al-Qaxdan.

Waxaana labada dhinac ay sheegeen in ay iska kaashan doonaan la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda oo labada dal ay ragaadiisay arrintaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Cairo

Caasimada@live.com