Muqdisho: In ka badan 30 ruux oo ku hoos jira carro kaawo kusoo duntay

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ka heleyno degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ay sheegayaan waxaa maanta ay kaawo ku taalo degmadaasi ay ku duntay ilaa inka badan 30 ruux oo halkaasi ku sugnaa .

Dadka kaawada ay ku duntay ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan gaarayaa ilaa 35 ruux sidoo kalana waxaa carradaasi kaawada ah lagu la’yahay ilaa Seddex gaari oo ah nuuca Soomaalidu ay u taqaan iska rogaha.

Dadkaan ayaa ah shaqaalihii qodaayay caro kaawada, isla-markaana waxaa dhamaantood la xaqiijiyay inay ka hoos mareen caro kaawada , waxaana soconaya dadaalo lagu doonayo in carada lagasoo saaro si look ala qaxiijiyo Tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo kuwa bad baaday.

Dadka ka hoos maray caro kaawada, ayaa waxaan jirin gurmad ballaaran oo ay helayn, marka laga reebo dadka Deegaanka oo la tacaalaaya, sidii ay caro kaawada uga soo saari lahaayeen.

Cali Maxamuud Macalin , Gudoomiyaha shaqaalaha caro kaawada, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay  gurmad deg deg ah, oo ay ka helan dowlada Soomaaliya iyo waliba ciidamad a Soomaaliya nabad ilaalin ahaanta u jooga ee AMISOM.

Wuxuu sheegay inay jiraan dad ku dhintay caro kaawada iyo dad aan weli dhiman, isla-markaana wuxuu shaaciyaya in loo baahan yahay in la bad baadiyo kuwa ku hoos nool carada kusoo duntay hoosteeda..

 Si kasto dowlada Soomaaliya AMISOM iyo hey’adaha ku sugan muqdisho ayaa laga war sugayaa sida ay arintan iyo codsigan loo jeediyay ay uga jawaabaan .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com