Sawirro: Weji gabax haysta xubno Turkish ah oo u baxsaday Greece

Ankara (Caasimada Online) – Dowlada Gariiga ayaa shaaca ka qaaday inay maxkamadeyneyso Saraakiishii ka danbeysay Afganbiga iyo duqeyntii ka dhacday magaalada Ankara.

Gariiga, waxa ay sheegtay inaysan heysan doonin 8 Sargaal ee dowlada Turkiga kala baxsaday diyaarada ee magangalyada kasoo raadiyay dalkeeda.

Gariiga waxa ay sheegtay in ragaani Saraakiisha ah ay soo taagtay Maxkamad ku taala Magaalada Alexandroupoli ee dalka Gariiga, waxa ayna tilmaantay in kama danbeys maalinta Khamiista ee fooda nagu soo heysa ay go’aan cad ka gaari doonaan.

Saraakiishaani ayaa waxaa Maxkamada la horkeenay maalmaha Axada iyo Isniintii waxaana dib loogu celshay Xabsigii ay ku jireen, iyadoo ujeedka uu yahay baaritaanka socda iyo go’aanka Gariiga uu ka qaadan doono.

Garsooraha Maxkamadda Magaalada Alexandroupoli ee dalka Gariiga, ayaa sheegay in Maxkamadda ay kiiska raggaasi go’aan ka gaari doonto Khamiista soo socota, inta ka horeysana lagu sii haayo xabsiga.

Gariiga, ayaa iska diiday codsi kaga yimid Saraakiisha oo ahaa in ay magangelyo siiso. Ra’iisal Wasaaraha Gariiga, Alexis Tsipras, ayaa Turkiga u sheegay in uu bilowday qorshihii dib Saraakiisha loogu celin lahaa dalkooda.
1

2

3

4

5

6

7

9

10

11

12

13