Maxaa ka cusub xiisadda dagaal ee Somaliland iyo Puntland?..!!

Dhahar (Caasimada Online) – Waa xaalad deganaan ah laga dareemayaa deegaanadii shalay dagaalka uu ku dhexmaray ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland, dagaalkaasi oo sababay khasaaro hanti iyo mid nafeed.

Ma jiro wax dagaal ah oo saaka ka dhacaya deegaanadii shalay lagu dagaalamay sida dadka deegaanka ay sheegayaan balse waxaa wali is horfadhiya ciidamada labada maamul kala matalaya eek u dagaalamaya deegaanada Sanaag.

Gurmad ciidan oo labada dhinac ah ayaa la sheegayaa iney gaarayaan deegaanka Booda eek u yaala inta u dhaxeyso Xiingalool iyo Dhahar, halkaasi oo shalay dagaal xoogan uu ka dhacay.

Somaliland iyo Puntland waxay guulo ka sheegtay daadashada dhiiga dadka Muslimka ah ee wada dagaalamaya, waxaana mid kastaa uu ku faanay inuu leeyahay libinta dagaalka.

Marka laga yimaado guusha dagaalka ay sheeganayaan ma jirto cid kala oo ku howlan sidii xiisada loo qaboojin lahaa, waxaana saacad walbaa la fileysan karaa dagaalo kale oo ka dhaca deegaanada Sanaag ka tirsan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Sanaag
Caasimada@live.com