Ismaaciil Cumar Gelle oo sheegay musharaxa uu taageerayo 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa dhigiisa Somalia Xassan Sheekh Maxamuud u ballanqaaday inuu ka taageeri doono doorashooyinka dalka ka dhacaaya dabayaaqada sanada 2016-ka.

Madaxweyne Geele ayaa ballanqaadkaani u sameeyay Xassan Sheekh xili ay kuwada kulmeen Hoolka martida ee Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali, halkaasi oo ay uga qeybgalaayen Shirweynihii 27-aad ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika.

Geele waxa uu sheegay inuu ka qeybqaadan doono sida ay Somalia uga gudbi laheyd doorashada iyo sida lagu xaqiijin lahaa amaanka Somalia.

Geele waxa uu dhigiisa Somalia u sheegay in dowlada Jabuuti aysan ka raali noqon doonin in Somalia kaligeeda lagu sii deeyo wadada waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay garab u noqon doonaan.

Sidoo kale, Mr Geele waxa uu tilmaamay in Somalia ay faraha ka qaadi doonaan goortii ay hanato xasilooni, kala danbeyn iyo amaan lagu xasilo, inta ka sokeysana aysan Somalia uga tagi doonin meel cidla ah.

Geele waxa uu mar kale Xassan u ballanqaaday inuu ka samata bixin doono xaalada iminka uu dalka Somalia ku jiro, si uu yiri loo helo Soomaalida saxda ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa soo dhaweeyay garab istaaga uu Madaxweyne Geele u sameeyay Somalia, waxa uuna Xassan Sheekh dhankiisa ka ballanqaaday inuu xoojin doono kaalintiisa, isagoo carab dhabay inuu ku faraxsan yahay ballanqaadkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com