Go’aankii DF ee Nile & Deva oo 2 kun arday Soomaali Saameeyay

Ankara (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa go’aan u muuqday in lagu degdegay ka qaadatay labo hayadood oo Turkiga laga leeyahay oo ka shaqeynayay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Hayada Nile Academy oo ah hayad wax barasho ayaa dalka Turkiga iney tagaan u fududeysay arday badan oo wax ka barata dalkaasi, waxaana dowlada ay soo saartay iney iskaga baxdo magaalada Muqdisho, maadaama lala xiriiriyay dadkii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Maxamed Cabdulaahi Xaashi, oo ah gudoomiyaha midowga Ardayda Soomaaliyeed eek u sugan dalka Turkiga ayaa sheegay in go’aankaasi uu saameeyay kumanaan arday Soomaaliyeed oo dalkaasi wax ka baraneysay.

Wuxuu sheegay in hayada Nile ay dalkaasi geysay arday badan, laakiin haatan ardaydii lagala baxay dhismayaashii ay ku sugnaayeen haatanna aysan heysan meel ay ku noolaadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga aysan ilaa iyo haatan wax u qaban ardayda Soomaaliyeed oo qaarkood ka maqnaa goobaha waxbarashada, maadaama la joogay xiligii fasaxa.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Turkey
Caasimada@live.com