Daawo Sawiro qurux badan oo laga soo qaaday Qadka cusub ee tareenka isku xiraya Jabouti iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa xariga ka jaray qadka tareenkii ugu horeeyay ee koronto ku shaqeya.

Taareenkii ugu horreeyay ee koronto ku shaqeynaya ee qaaradda Afrika ayaa waxaa uu ku ordi doonaa xawaare gaaraya 120 KM saacaddii, waxa ayna u kala gooshi doonaan dalalka Jabouti iyo Ethiopia.

Qadkaani ay isticmaali doonaan Tareenada labada dal ayaa waxaa dhismaha wadooyinkaasi dhaqaalaha ugu badan ku bixiyay Bangiga wax Dhoofinta iyo soo Dejinta ee waddanka Shiinaha.

Ganacsiga labadaani dal iyo dhoofinta alaabaha waxay markii hore alaabooyinka ku qaadan jirtay muddo saddex maalmood ah waddada baabuurta dhulka u dhexeeya dekedda Djibouti ilaa caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Ethiopia waxay haatan wax kala soo degtaa kana dhoofsataa ku dhowaad 90% alaabooyinkeeda dekedda dalka Djibouti.
1

tareen-1

tareen-2

tareen-3

tareen-4

tareen-5

tareen-6
Ethiopia Djibouti Railway and Unrest