Guddiga Doorashooyinka oo Fashilkooda doorashada marmarsiyo u sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho shir Jaraa’id ku qabtay Guddiga Doorashooyinka Dadban kuwaasi oo si faahfaahsan uga hadlay dib u dhaca ku imaaday ku dhawaaqista xubnaha Aqalka Sare.

Guddiga ayaa sheegay in dib u dhaca uu yahay mid sabab u ah Maamul Goboleedyada Dalka oo weli aanan soo gudbin Xildhibaanadii Aqalka Sare u matali lahaa iyo Maamulka Hir-shabeele oo weli dhismihiisa aan la dhameystirin.

Guddiga waxa uu sheegay in wali ay jiraan culeysyo kaga imaanaya dhanka maamul Goboleedyada iyo Ergada u xilsaaran xulista Xildhibaanadii Aqalka Sare.

Guddiga waxa uu sheegay in qorshaha uu ahaa in maanta oo Arbaca ah dhammaan maamul Goboleedka ay soo gudbiyaan Xubnahooda, hayeeshee ay sabab u noqotay culeyska soo ifbaxay.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadban Maxamed Keynaan, ayaa sheegay in Guddiga uu aad uga xun yahay dib u dhacdaya ku imaanaya ku dhawaaqida Xubnaha maamulada u matalaaya Aqalka Sare.

Keynaan waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe labo maalmood gudahooda loogu soo gudbinayo xildhibaanada ka mid noqonaya Xubnaha Aqalka Sare.

Guddiga Doorashooyinka dadban oo uu soo xushay Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh ayaa dhowr jeer ku fashilmay inay hirgaliyaan Jadwalka gacan ku sameyska ah.

Docda kale, sii shaqeynta Guddigaani ayaa suuragalinkarta in dalka uusan ka dhicin wax doorasho ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com