Nabadoon caan ah oo goordhow lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho +Magaca

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu dilay Nabadoon si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho.

Dilka Nabadoonka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wadajir, waxaana dilkaasi fuliyay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Cadaan oo ka mid ahaa Ergada soo xuleysa Odayaasha Dhaqanka ee ka qeyb galaya Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

Nabaddoon Xasan Caddaan ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaasta oo kaga dhacday oogada sare ee jirkiisa,waxaana uu ku nafbaxay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Kooxaha falkaasi geystay ayaa dilka kadib ku baxsaday Mooto-bajaaj, iyadoo ay eryadeen ciidamo ka tirsanaa kuwa Degmada.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay dilka Nabadoonkaasi oo kamid ahaa Ergada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com