Daawo Sawirrada: Askarta uu Xasan Sheekh ka iibiyey Imaaraadka ee loo wado dagaalka Yemen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shalay tababar u soo gabagabeeyay Cutubkii labaad ee Ciidamo uu madaxweyne Xasan Sheekh ka iibiyey Imaaraadka, oo dagaalka Yemen loo wado.

Xaflada xiritaanka tababarka oo lagu qabtay xero Agoon ayay ka qeyb galeen xubno ka socday labada gole ee dawladda iyo Saraakiisha Ciidamadda Qalabka oo ay wehliyaan saraakiil ka socday dowladda Imaaraadka Carabta oo gacan ka geysatay tababarka ciidamadaasi.

“Tababarkaan iyo soo xiritaankiisu waxay qayb ka yihiin, dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan oo dib loogu dhisayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Sheekh Cali Diini oo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya muhiimadda koowaad in ay siinayso sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeyana ka baxsan eex iyo cid gooni ah.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku amaanay Dowladda Imaaraadka Carabta sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Qalabka sida tababar iyo taakuleyn joogto ah oo ay siiso ciidamada dalka.

Imaaraadka Carabta ayaa taageero dhaqaale iyo qalab milateri siiyay dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka, waxaana ciidamada loo wadaa dalka Yeman si ay ula dagaalamaan dhaqdhaqaaq Xuutiyiinta ee Shiicada ah, waxaase wararkaasi ay noqdeen kuwo aanay jirin cid xaqiijisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ciidamadan ku qaatay 20 milyan oo dollar, waxaana jira ciidamo kale oo Kismaayo iyo Baydhaba lagu tababarayo.

Hoos ka daawo sawiradda

ciidan-tababar 1ciidan-tababar 2ciidan-tababar 3ciidan-tababar 4ciidan-tababar 5