Xog: Xidlhibaanada mooshinka oo loo hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xogagaal ka tirsan BF Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xildhibaanada mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan ay hanjabaado kala kulmeen kuwa taageersan madaxweynaha.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Xildhibaanada taageersan Xasan Sheekh ay kuwa Mooshinka wada u direen Maaseejyo ay ugu hanjabayaan, waxaana la soo warinayaa in Maaseejyadaasi ay saameysay inta badan Xildhibaanada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan uu amray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ujeedka laga leeyahay hanjabaada ayaa lagu sheegay in lagu doonaayo in lagu hakiyo Mooshinka laga geeyay Madaxweyne Xasan oo marba marka xigta ay sii kordheyso tirada.

Hanjabaadahaani ayaa ka danbeysay kadib markii gudi uu Madaxweyne Xasan u xil saaray kala jabinta Xildhibaanada Mooshinka wado ay ku guul dareysteen inay kala dhantaalan mooshin wadayaasha fikirka ku bahoobay.

Arrintaani ayaa durbadiiba abuurtay kala shaki hor leh oo dhalisay inuu yaraado kulamadii ay Xildhibaanada ku qaadan jireen Hoteelada Muqdisho.

Lama oga waxa xigi doona Hanjabaadahaani hawada ay isku marinayaan Xildhibaanada, waxaase suuragal ah inay ka dhalato arrimo aan inta lagu saadalinkarin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com