SOMALILAND oo qaadacday xeer horyaal BFS.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay xeerka Isgaarsiinta dalka ee horyaalla baarlamaanka Federaalka Somalia oo ay iyadu qeyb ka tahay.

Maamulka ayaa sheegay in xeerkaasi horyaal BF uusan khuseyn islamarkaana ay ka madax-banaan tahay Somalia inteeda kale.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Somaliland Maxamed Jaamac oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay kasoo horjeedan Xeerkaasi waxa uuna sheegay inay gaf u arkaan in Maamulka lagu lamaano DF Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirku waxa uu sheegay in lasoo fara geliyay arrimaha ku aadan furaha Somalia ee 252, oo uu tilmaamay in uu ka quseeyo waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana uu sheegay in xeerkaan aanu marnaba shaqo ku lahayn ka wasaarad ahaan.

“Dhoor jeer waan ku celceliyay hadana wan ku celineynaa in aanu wax shaqo ah ku lahayn xeerka BF yeella ee Isgaarsiinta, anaga waxa inaga quseeya waa furaha 252 oo aan wada wadaagno, sidaa darteed anaga dal gaar ah baan nahay”

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay xili waliba cagsi ku tahay hanaanka uu hiigsanaayo Maamulka, waxa uuna Dowladu ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha Maamulka.

Geesta kale, waxa uu soo hadal qaaday in go’aanka ay ku qaadacayaan uusan bedeli doonin kulamo ama wada hadalo ay la galaan DF Somalia, wuxuuna cadeeyay in mowqifkooda uu yahay mid bartiisa taagnaan doona.

Haddalka Wasiirka waxa uu imaanayaa xili xeerka Isgaarsiinta dalka horyaalla Baarlamaanka Somalia, islamarkaanu uu yahay mid iminka maraya akhrintiisa Labaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com