DF oo shir caalami ah ka daah fureyso Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan dalka uu ka furmi doono shirweyne looga tashan doono marxalada looga gudbi lahaa sanadka 2016-ka oo ah wakhtiga ay ku eeg tahay Dowladda iminka jirta.

Shirkaani ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan Siyaasiyiin, aqoonyahaano, waxgarad, dhalinyaro waxaana leysu weydaarsan doonaa sida Somalia looga samata bixin lahaa dhibta ay ku jirto.

C/raxmaan Caynte Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Xukuumadda Somalia, ayaa cadeeyay in shirkaasi uu noqon doono mid Somalia u sababi doona Hiigsiga Horumar iyo nidaam ay ku diirsadaan Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in shirka loogu gol leeyahay in Soomaalidu ay ka tashato aayahooda, islamarkaana ay ka arrinsadaan sida sanada 2016-ka dalka uu horay uga sii hanaqaadi lahaa halka uu iminka taagan yahay.

Wuxuu sheegay is sidoo kale shirarkaasi ay qeyb ka noqon doonaan xubno ka kala socda Xukuumadda, Baarlamaanka, Maamul Goboleedyada, Qurba joogta iyo Ururada Bulshada Rayidka, waxaana si rasmi ah looga tashan doono habka looga gudbayo sanadka 2016-ka, maadaama dalka aysan ka dhaceynin doorasho qof iyo codkisa, sida uu hadalka u dhigay Ceynte.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaa hada la sameeyay hanaan wadatashi ah oo saddex Bilood soconaayo sadexdaasi Bilood, waxaa wadatashiga ka qaybgali doono Xukuumadda, Baarlamaanka, Qurba joogta iyo Ururada Bulshada.”

‘’Danta laga leeyahay shirka waa in laga gudbo marxaladii 2012-kii lagu soo xulay Xildhibaanada oo Odayaasha Dhaqanka ay soo xulaan, waxaana la doonaayaa feker ka duwan taasi oo muhiim u ah dalka inay doorasho ka dhacdo’’

Dhanka kale, Ceynte ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay natiijooyinka laga filankaro inuu kasoo baxo shirka waxa uuna ballanqaaday in Somalia ay gaarsiin doonan heer caalami.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com