Aqri: Dowladda Uganda oo soo bandhigtay liiska magacyada ciidamadii looga laayay JANNAALE

Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay taliska sare ee Gaashandhiga Ugandha ayaa lagu xaqiijiyay in maanta Magaalada Muqdisho laga duuliyay diyaarad siday meydadka Ciidamadii AMISOM gaar ahaan Dowlada Ugandha looga laayay weerarkii ka dhacay Janaale.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid taariikhi u ah Dowlada Ugandha iyo AMISOM, waxaana lagu cadeeyay qoraalka in weerarkaasi uu ka danbeyn doono oohin.

Halkan hoose ka akhriso Magacyada 10ka askari ee maanta meydadkooda la geeyay Caasimada Kampala:-

Leutenant David Etua Ondoma

Sergeant Charles Outa

Sergeant Charles Ojange

Sergeant Eddy Kakaire

Sergeant Abubaker Mugumya

Sergeant Emmanuel Wanyama

Lance Corporal Andrew Engema

Lance Corporal Phinius Ochowun

Private Isaac Okidi Lotyang

Private Geoffrey Kintu​

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com