Xoosh: Jawaari waa loo hanjabay, anigana wasiir baa igu yiri 20 sano ayaan mooryaan soo ahaa..!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha keenay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay halka uu marayo mooshinkooda iyo sidoo kale arrimo uu sheegay in madaxtooyada ay kala kulmeen.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in guddoonka Baarlamaanka uu saxiixay warqadahaasi, sidoo kalena laga doonayay in loo gudbiyo Maxkamadda sare, balse aysan weli taasi dhicin.

“Eedeynta waxay ku wajahan tahay Madaxweynaha, sabeenteedana waxay tahay ku xad gudub xuquuql insaanka, musuq, xoogid awood aanu lahayn oo Dastuuri ah iyo waxyaabo la mid ah, waxyaabihii dhan waa la tifaftiray, waa lasoo wada qoray, guddonka Baarlamaanka wuu qabtay, waxayna soo saareen war murtiyeed ay ku leeyihiin waan qabannay, wuxuuna marayaa sharciga sida uu qabo, waxaa nasiib darro ah in Bil ku dhawaad uu weli ku dhegan yahay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mooshinka, isaga oo marar badan kulamo aan la yeelannay inoo sheegay inay howsha ay soo dhamaatay, waxaa ugu dambeysay Darraad, waan la kulannay habeennimo, isaga iyo ku xigeenkiisa, waxay dhaheen warqadda waan saxiixnay Maxkamadda ayaan u gudbineynaa Copy ayaan idiin siineynaa, waxaan u sheegnay in sharciga aan la hareer marin, waxaana ay inoo sheegeen in ay gudbinayaan oo warqadda Cop-ga ah qof usoo dirsannon, shalay ayaan filaynay inaan warqadihii soo qaadno, laakiin waxaan ogaannay in weerar lagu qaaday guddoonka oo ay ku qaadday madaxtooyada, meel walba la’isaga yimid oo waliba Jawaari la handaday, handadaad aan caadi ahayn, markii aan la kulannay shalay waxa uu billaabay Laba Canleen, sharciga waxa uu leeyahay hadii inta la rabo xildhibaanno ah oo ay keenaan eedeyn Dastuuri ah oo madaxweynaha ku aadan, ama madaxtooyada ku aadan, hadii ay aqbalaan gudoonka ay soo qaadaan oo maxkamad loo gudbiyo, maxkamadda ma dhahayso eedeyntaasi dhan waa sax, laakiinse waxay leedahay waxyaabo ku jira oo laga hadli kara ayaa jira, in la keeno baarlamaanka, laga doodo, ka dibna codka la geliyo, waxaa ceeb ah in madaxtooyada laga soo abaabulo musuqii aan ku eedeynaynay madaxweynaha, oo in lasoo qoro dad badan oo la dhaho mooshin ayaan keennay, kaasi oo ah mid keena kasoo horjeedo, walibana la leeyahay hala laalo, Dastuurka iyo heer hoosaadka ma dhigaayo mooshin yaallo in mid kale laga dul keenno, hadane halagu laalo, gudoomiyaha waa uu u sheegay taasi, waxaana uu yiri in soo jeedin ay noqon karto oo kaliya, taasina sharci ma ahan oo waa laga gudbi karaa, marka waxa ay keeneen waa soo jeedin oo musuq maasuq ah, ceebta taalla kale ayaa ah in maanta inaan annaga sharci wax walba u marno, madaxtooyadana ku mashquulsan tahay sharci darro, oo xitaa xildhibaanada mooshinkeena saxiixay lala daba taagan yahay lacag iyo dhul ayaan idiin siineynaa”

Xildhibaan xoosh oo aynu weydiinnay inuu cadeyn u hayo hanjabaadda ka dhanka ah gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxa uu tilmaamay in isaga qudhiisa loo hanjabay, uuna hayo cadeymo.

“Anagoo joogna ayaa loo imaanaayay guddoonka, cadeyn badanna waan u haynaa, aniga ayaa habeenno kahor la i handaday, nin baa ii yimid oo i dhahay magaalada Muqdisho 20-sano ayaan mooryaan ka ahaa, waxaan sameyn karo ma taqaanid, wadankaan ma larabaa in sharci loo gudbo mise lama rabo, midda kale dowladaan ma’iska tuureynaa oo nin walba Tuuladiisa ma u noqonayaa, lama qaadan karo in naloo hanjabo, , madaxtooyada waxay leedahay dad u shaqeeya, qofka sidaas iigu hanjabaaya waa xildhibaan kana mid ah wasiirada”

Xildhibaan Xoosh ayaan weydiinnay sababta keeni karta in hanjabaad intaan la eg ay timaado, mar hadii uu sheegayo in xildhibaan ay isku shaqo yihiin ay arrin intaan la’eg dhex marto.

“Qofka sidaas aniga igula hadlay waxa uu meeshi u yimid inuu Jawaari handado, anigane qabiil inuu iigu hanjabo ayuu u yimid, dalkaan ma naga wada dhaxeeya mise nagama wada dhaxeeyo” ayuu yiri xildhibaan Xoosh Jibriil.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in illaa iyo xilligaan sababta mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha aan loogu gudbin maxkamadda sare ay tahay handadaad iyo wax la mid ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Mooshinka in la gudbiyo waxaa hortaagan musuq iyo Handadaay dhanka madaxtooyada ah, waxa kaliya aan mooshinkaan loo keenay ahayd in wadankaan laga joojiyo Musuq iyo handadaad, wixii aan wax ku saxi lahayn waxaa lagu saxayaa handadaad iyo Musuqmaasuq, guddonka waan kala hadalnay wax walba, waxay ahayd inuu imaan yeesho, laakiinse gudoonka iimaan malahan, sida anaga naloo handaday ayaa iyana loo handadayaa, baarlamaankaan waxaa loo keenay annaga oo 10 sano qabiillo ku kula jirno ayaa 2000 Ismaaciil Cumar Geelle isugu keen keenay Carta, gole ayaan isugu nimid, hadii golahaasi musuq lagu sameynayo wadankaan ilaah baa u maqan, sababta aan sidaas u leeyahay waxay tahay wadankaan waxa uu noqon doonaa mid sharci ku dhisan ama mid shaqsi”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa rajo ka muujiyay in qaab sharci ah ku dhamaan doonto arrinta mooshinka, kuna dadaali doonaan ka xildhibaanno ahaan.

“Arrintaan sharciga ayeey ku dhamaan doontaa, sharci darro maba yeeli donno, Baarlamaankaan waa lagu kala tagayaa madaxweynaha iyo madaxtooyada hadii ay diidaan in sharci lagu dhaqmo madaxweyne ma jiri doono madaxtooyada ma shaqeyn doonto, waa in sharciga la raacaa hadii aan la raaci karin meesha waa lagu kala tagayaa” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay dhankiisa culeys badan uu ka jiro, islamarkaana uu ku mashquulsan yahay in Laba Sano Dheeraad ah lagu darsado iyo wax la mid ah.

“Sababta ugu weyn ee mooshinka dib u dhigeyso waa dhanka guddoonka, ma qabaan laf dhabar siyaasadeed, gaar ahaan ninka la yiraahdo Jawaari, waxa uu ku mashquulsan yahay Laba Sano hanala siiyo, anaga uma dirsan Laba Sano, dhibaatadana na haysa waa ninkaasi, hadii uusan xalka keeni karin isagaa madax noo ah, waxaana rabnaa in laftiguusa aan la xisaabtanno, hadalladaan aan sheegayana caddeymo waan u hayaa” ayuuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya waxaa ag yaalla mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo la doonayo in loo gudbiyo maxkamadda sare ee dalka.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xil Xoosh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com