SAWIRRO: Xassan Sheekh & Roberta Pinotti oo ku indha darandaray Barnaamijka Expo Milano

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay Fursadaha shaqo ee iminka ka jira dalka Somalia.

Madaxweynaha oo ka qeybqaadanaayay Barnaamijka bandhig ah oo loogu magac daray Expo Milano, kaa oo ay 150 dal ku soo bandhigi doonaan wax soo saarkooda iyo fursadaha ganacsi ee ka jira dalalkooda.

Madaxweyne Xassan wuxuu sheegay in Somalia ay ka jirto fursado ballaaran oo maalgashi lagu samaysan karo, waxa kaloo uu sheegay in Somalia ay lee dahay wax soo saar wanaagsan, haddii la helo maalgashi rasmi ah.

Madaxweynaha inta uu ku guda jiray hadalkiisa ayaa waxa uu soo hadalqaaday in dalka Somalia uu yahay dal hodan ku ah khayraadka, sida gaaska iyo saliidda, waxaana dhoofinta Somalia ugu weyn sida uu sheegay kalluunka Tuna.

Wuxuu tilmaamay kalluunka Tuna in suuq wanaagsan uu ku lahaa Qaaradda Yurub.

Intaa kadib Madaxweyne Xassan iyo haweeneyda ku magacaaban Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Talyaaniga Mr Roberta Pinotti, ayaa cagta wada mariyay Hoolkii lagu soo bandhigay Barnaamijka loogu magac daray Expo Milano.

Xassan Sheekh iyo Roberta Pinotti, ayaa amaanay kaalinta ay Soomaalida ka qaadatay soo bandhigida dhaqanka ay ku dhex leedahay 150 Dowladood ee qeybta ka ah Barnaamijka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

12

13

14

15

16