XOG: Villa SOOMAALIYA iyo xukuumadda oo ku kala qeybsamay qabashada shirka maamullada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Xubno ka tirsan Madaxtooyada iyo Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in dib dhaca ku imaaday shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe uu yahay mid sabab u ah Khilaaf ka dhextaagan Villa Somalia iyo Xukuumada.

Xubnahaasi ayaa kusoo waramaaya in Madaxtooyada Somalia ay dooneyso in shirka laga furo Magaalada Beledweyne, halka xukuumadu ay qabto in shirka gogoshiisa la dhigo Deegaanada hoostaga Maamulka Sh/dhexe.

Madaxweyne Xassan ayaa isagu taageersan in Shirka uu ka furmo Magaalada Beledweyne, isaga oo sabab uga dhigaaya dhanka amaanka, waxa uuna dhowr jeer Madaxweynuhu ku taliyay amaba uu soo jeediyay in gogosha la dhigo Beledweyne.

Wasiiro uu kamid yahay Odawaa ayaa ku doodaya in jawi ahaan shirkaasi uu ku wacan yahay Magaalada Jowhar, waxa uun ku doodayaa haddii ay dhacdo dhaqaale xumi in Maamulka Sh/Dhexe ilaa xad uu kabi karo dhaqaalaha looga baahdo.

Marka laga soo tago khilaafka labada dhinac ilaa iyo hada ma jirto goob rasmi ah oo ay DF u cayintay in shirka uu ka furo iyadoo magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne laga dareemayo diyaargarow ku aadan marti gelinta shirkaasi.

Warbixin asbuucii tagay laga soo saaray wasaarada arimaha gudaha xukuumada Somalia oo garwadeyn ka ah sameynta maamuladan ayaa shaacisay in dib u dhac uu ku yimid shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo balanta ahayd inuu furmo 1-Septemper, waxa uuna dib dhaca qeyb ka yahay Khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com