Indha-Cade oo si adag uga hadlay taliyaha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad ”Indha Cadde”, ayaa ka hadlay magacaabidii Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Maxamed Aadan Axmed ”Buud”.

Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad oo ka tirsan Saraakiiisha Dowladda Somaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa Taliyaha cusub ku sifeeyay mid horumar ballaaran samayn doono.

Isaga oo magacaabida ka hadlaayay ayaa mar kale yiri “Taliyaha cusub ee Ciidanka Xooga Dalka horumar badan ayuu samayn doonaa, waa nin yaqaana shaqada loo magacaabay, waa nin u khalma in xilkaasi loo dhiibo.”

Gen. Indha Cadde oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa yiri “Cid kasta oo ka tirsan Saraakiishii hore ee Xooga Dalka oo maqashay magacaabidda General Buud, aad iyo aad ayay ugu faraxday, una soo dhaweyneysaa.”

“General Buud maaha nin ku saqajaama garaamka iyo mushaaraadka Ciidanka Xooga Dalka, waa nin wax badan ku kordhinaaya, yaqaanana shaqada loo magacaabay.”

Haddalka Indha Cadde ayaa imaanaya xili Shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada shalay lagu magacaabay Taliyaha cusub, iyadoona xilka looga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi ”Indha-qarshe”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com