Maqaamkii ciidamada: Gocosho garnaqsi leh.!!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiirka ay Dowladaha ku howl galaan ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay Ciiddamadda Qalabka Sida, kuwaasi oo loo dhidbay inay difaacaan dadka iyo dalka.

Waana hubanti inay Ciiddankeenna XDS yihiin Ciiddan kaalin lama illaaban ah ka soo qaatay Difaaca Qaranka iyo Ilaalinta Xuduudaha Bad iyo Berriga.

Waxaa lagu xusuustaa Sooma-jeestayaasha XDS sida Waddaniyadda xambaarsanayd ee ay naftooda qaaliga ugu hureen inay dadka iyo dalka ka difaacaan caddowga gudaha iyo kuwa Xuduudaha.

Tan iyo markii Ciiddanka XDS la asaasay bishii April 12-dii ee sannadkii 1960-kii ilaa burburkii ku yimid Nidaamka Dowladnimo ee dalka, waxay ahaayeen Ciiddan daacad ah oo har iyo habeen u taagnaa Difaaca Dalka.

Saraakiishii dhidibadda u aasay Ciiddanka XDS ayaa waxaa laga xusi karaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciiddanka XDS, Marxuum Jeneral Daa’uud Cabdulle Xersi, oo isagu xilkaasi hayey 1960-kii ilaa 1964-kii.

Marxuumka waxa uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Mosko ee dalweynihii Midowgii Soofifeet (USSR), oo haatan loo yaqaano dalka Raashiya.

Jeneral Daa’uud waxa lagu tilmaamaa Aabaha asaasay Ciiddanka XDS, waxayna Saraakiisha iyo Ciiddankii hore rumeysan yahay inuu Jeneral Daa’uud C/lle Xersi ahaa Halyeey iyo Waddani u taagnaa horumarinta Awoodda Ciiddamadda iyo Difaaca Dadka iyo Dalka Somalia.

Waa hubaal inay Ciiddanka XDS guulo waa weyn soo hooyeen Xilliyaddii Colaadaha ee uu dalkeenna ku jiray Xaallad Dagaal.

Guulihii Lama illaabaanka ee lagu xusuusto XDS ayaa ahaa Dagaalkii ay Ciiddanka Ethiopia la galeen sannadkii 1964-kii, kana dhacay Deegaanka Wajaale ee W/galbeed ee Jamhuuriyadda Somalia.

Iska horimaadkaasi oo ahaa mid ay Jeyshkeenna ku muujiyeen Geesinimo, waxaana si khaas ah loogu xusuustaa Halyeey Maxamed C/lle Xalane oo ku shahiiday isagoo Calanka Qaranka ka qotominayey goobihii lagu dagaalamay.

Sidoo kale, ciiddanka XDS waxaa lagu xusuustaa Dagaalkii ay Ciiddanka Ethiopia la galeen sannadkii 1977-kii.

Ciiddanka XDS waxay ahaayeen Ciiddamo ka dhisnaa Qalabka iyo Mooraalka Waddaniyadda, waxayna goobaha dagaalka ka muujiyeen wacdarro iyo Xeellado Ciiddan oo ay Dowladaha waa weyn la amakaageen.

Qeybihii kala duwanaa ee Ciiddanka XDS, sida Ciiddanka Dhulka, kuwa Cirka iyo kuwa Badda ayaa waxay ka soo dhalaaleen Waajibaadka Qaranka, waxayna ku muteysteen Ammaan, Abaalmarin iyo Taageeradda Mujtamaca.

Xusuusta Lama illaabaanka ee Ciiddankeenna ayaa bohol lagu riday, markii ay Dowladdii Kacaanka sii liicaysay, taasi oo ugu dambeyntii soo dedejisay Kacdoonkii Jabhadaha Hubeysnaa, oo iyaguna xaalladii ka si idaray.

Taangiyaddii ilaa qoryihii fududaa ee yiillay Xerooyinka min Gaasaska, Guutooyinka, Qeybaha ilaa Bakhaaradda Kaydka ee Ciiddamadda waxa uu gacanta u galay dad rayid ah, kuwaasi oo Hubkii Qaranka lagu difaacayey ka dhigtay hub wax lagu dhaco, wax lagu dilo, lagu isbaaraysta ama lagu difaco Beelaha ama Hoggaamiye Kooxeedyadda.

Burburkii Dowladnimo ayaana la dhihi karaa inay Ciiddankii Qaranka ku tabar beelaan, waxayna taasi keentay inay Sohdimaha dalka baylah noqdaan, ilaa ay ugu dambeyntii Ciiddankeenna noqdaan kuwa ugu liita Ciiddamadda dalalka deriska iyo kuwa Caalamka.

Xilligan, oo ay Dowladda Federalka majaraha dalka hayso ayaa waxaan weli si fiican loo dhisin Ciiddanka Qaranka, iyadoo Siyasiyiinta cuqdad ka qabaan Ciiddamadda oo ay u arkaan inay Afgembi ku qabsan karaa Talada dalka.

Fikirka noocaasi oo ay Siyaasiyiinta Dowladihii KMG ilaa Dowladda Federlka laga dareemi karo ayaa waxay khasabtay in ay Ciiddankeenna Qiimeynta Caalamka ka galaan Kaalinta ugu hooseyso.

Waxaa luntay Naanaystii Ciiddanka XDS ee ahayd Libaaxyadda Afrika, waana ayaan-darro inaan Heerka Caalamka ka galno Qiimeyntaasi.

Qiimeyn lagu soo daabacay Websaytka Hay’adda Caalamiga ee GFP International ayaa waxaa lagu xusay inay Milliteriga Somalia yihiin Ciiddanka ugu tabarta yar Ciiddamadda 162-Waddan.

Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan in dib-u-dhiska Ciiddanka weli ku hor gudban yihiin caqabado, o oay ugu horreeyaan iyagoo aan helin Qalab, Daryeel iyo Mushaar ku filan oo joogto ah.

Waxay kaloo Ciiddanka cuqdad nafsi ka qaadeen Ciiddanka AMISOM, kuwaasi oo ay Beesha Calaamka siiyeen Daryeel Khaas, iyagoo ka mushaar iyo nolol fiican Ciiddanka Qaranka.

Markaynu isku soo duubno, waxaa la qiri karaa inuu Mustawihii Ciiddanka X.D.S. aad u hooseeyo, mana muuqdaan ifafaalo horseedi kara inay gaaraan Mustawahii ay taagnaayeen Burburka Dowladdii Kacaanka ee loogu yeri jirey Libaxyadda Afrika.

WQ: Mohamed Ahmed Jelle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com