Nin la dhashay Xasan Sheekh oo guryo boobid ka bilaabay magaalada Muqdisho (Sir xasaasi ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibane Xaashi Bulxan waxa uu ahaan jiray wadihii gaariga gaarka ah Madaxweynihii hore ee Somalia Gen. Maxamed Siyaad Barre.

Xaashi Bulxan ayaa iminka qaati ka taagan Cali Sheekh Maxamuud oo la dhashay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna Bulxan sheegay in guri uu leeyahay uu ka boobay Cali Sheekh.

Cali Sheekh Maxamuud oo watay Ciidamo farabadan ayaa weerar ku qaaday Hooyga Xaashi Bulxan oo ku yaalla Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, waxa uuna halkaasi xoog uga saaray Bulxan iyo qoyskiisa.

Cali Sheekh Maxamuud ayaa isagu ku doodaya in gurigaasi uu ka iibsaday haweeney ka timid dalka Britain, xilli aanu haysan cadaymihii lahaanshiyaha ee dhismahaasi.

Xaashi Bulxan ayaa isna la soo baxay Dukumiintiyo ku saxiixan Dowladii Maxamed Siyaad Barre, waxa uuna cadeeyay in Booskaasi uu lahaa tan iyo wakhtigii Siyaad Barre.

Cali Sheekh ayaa dhowr jeer isku dayay in Bulxan uu awood uga saaro gurigaasi, balse wuu ku fashilmay waxa ayna dacwadaasi gaartay Madaxweyne Xassan Sheekh oo markii danbe isagu amray Ciidamo farabadan oo uu la socday walaalkiis Cali Sheekh sidaana xalay looga saaray guriga.

Cali Sheekh Maxamuud, ayaa marar badan isku dayay in Xaashi Bulxan uu guriga ka iibsado, laakiin uu Xaashi ku adkeystay inaanu gurigiisu iib ahayn.

Xaashi Bulxan ayaa xabsiga la dhigay, waxaana dhowr saac kadib arrintaasi ka warhelay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid iyo xubno ka tirsan Xukuumada oo iyagu muran iyo wada tashi dheer kadib Xaashi Bulxan dib ugu celshay hooygiisa.

Arrintaani ayaa muujineysa in awooda Madaxweyne Xassan looga faa’iideysanaayo dadka shacabka ah, waxaana iminka xusid mudan Xaashi Bulxan uu dib u helay hooygiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com